Melleteriga Masar oo Godad Ku Dumiyay Dad Filasdiiniyiin ah.

Monday February 11, 2019 - 20:08:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga Masar oo Godad Ku Dumiyay Dad Filasdiiniyiin ah.

    Wararka ka imaanaya dhulalka filasdiin ee ixtilaalka kujira ayaa sheegaya in dad shacab ah ay ku dhinteen qaraxyo ay geysteen ciidamada melleteriga dowladda dabadhilifka Masar, wasaarrada arrimaha gudaha maamulka Xamaas ee magaalada ghaza ayaa xaqiij

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulalka filasdiin ee ixtilaalka kujira ayaa sheegaya in dad shacab ah ay ku dhinteen qaraxyo ay geysteen ciidamada melleteriga dowladda dabadhilifka Masar, wasaarrada arrimaha gudaha maamulka Xamaas ee magaalada ghaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen godadka dhulka hoostiisa ka qodan.


dadka dhintay oo laba ahaa la sheegay in ay kusoo dumay god ay ku socdaalayeen kadib markii ay qarxiyeen ciidamada dowladda dabadhilifka Masar, Ururka Xamaas wuxuu sheegay in dadka dhintay mid kamida uu ahaa sarkaal sare oo maamulkooda katirsan kaas oo qeyb ka ahaa soo daabulidda raashinka sida qarsoodida ah loo geliyo magaalada qaza oo wax kabadan 12 sanadood ku jirta hareerayn daran oo ay saareen maamullada Yahuudda iyo masaarida.

Wararka ayaa intaas ku daraya in laba qof oo kamid ahaa shaqaalaha godadka dhulka hoostooda ka qodan ay ku dhaawacmeen burburinta godadka ee ay ku dhaqaaqeen ciidamada melleteriga Masar.



illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda dabadhilifka Masar oo caan ku ah lashaqeynta yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku heysata dhulalka barakeysan ee Filasdiin,  tan iyo markii uu Cabdi Fataax alsiisi inqilaabka melleteri talada Masar kula wareegay sanaddii 2013 ayay melleteriga masaarida sii adkeeyeen hareeraynta saaran malaayiinta qof muslimiinta ah ee ku go'doonsan magaalada qaza

Related Items