Maamulka Hirshabelle Oo Shaaciyay deegaannada iyo Degmooyinka ay ka bixi doonaan ciidamada Burundi.

Monday February 11, 2019 - 20:26:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Hirshabelle Oo Shaaciyay deegaannada iyo Degmooyinka ay ka bixi doonaan ciidamada Burundi.

    Maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa shaaciyay degmooyinka iyo deegaannada ay isaga bixi doonaan ciidamada shisheeyaha Burundi ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan Sh.dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa shaaciyay degmooyinka iyo deegaannada ay isaga bixi doonaan ciidamada shisheeyaha Burundi ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan Sh.dhexe.


C/qaadir Aadan Jeelle oo ah wasiirka amniga maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in taliska ciidamada Burundi ay kulan layeesheen ayna u xaqiijiyeen in ciidamada Burundi ay dhammaadka bishaan isaga bixi doonaan degmooyinka kala ah Raaga Caalle, Cadale iyo deegaanka Xaaji Cali oo dhammaantood dhaca Bariga Sh/dhexe.

Maamulka dabadhilifka Hirshabelle ayaa walaac ka muujiyay ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/dhexe wuxuuna xildhibaannada DF-ka ugu baaqay in ay cadaadis ku saaraan dowladda Burundi in aysan ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya.


Ururka Midowga Afrika ayaa bishii lasoo dhaafay amar kusiiyay taliska AMISOM in kun askari Burundeys ah uu ka saaro Soomaaliya kadib markii Q.Midoobe iyo Midowga Yurub ay diideen in ay lacago mushaaraad ah siiyaan qaar kamid ah ciidamada Burundi ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items