Xoogagga Al Shabaab oo Weerar hubeysan ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaal degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Monday February 11, 2019 - 21:01:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogagga Al Shabaab oo Weerar hubeysan ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaal degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa weerar xooggan caawa fiidkii ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaal degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa weerar xooggan caawa fiidkii ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaal degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.


Weerarka oo ahaa mid muddo nus saac ah socday ayaa lagu beegsaday saldhigga ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin xaafadda Furayaasha ee degmada Wardhiigleey.

Goob joogayaal ayaa SomaliMeMo u sheegay in xoogaga Al Shabaab ay garneellada garbaha laga gemo ku weerareen saldhigga xaafadda Furayaasha xilli ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen goob isku imaatin ah.


Rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa laga maqlayay dhowr xaafadood oo katirsan degmada Wardhiigleey, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka caawa ka dhacay magaalada muqdisho.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items