Sawirro: Sidaan ayay diyaaradaha Dagaalka Mareykanka Duqeyn ugu burburiyeen guryaha Shacabka ee degmada Janaale.

Monday February 11, 2019 - 21:09:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Sidaan ayay diyaaradaha Dagaalka Mareykanka Duqeyn ugu burburiyeen guryaha Shacabka ee degmada Janaale.

    Ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah ayaa xalay waxay weerar fashilmey kusoo qaadeen magaalada Jannaale oo kamid ah magaalooyinka gobolka Shabeellaha hoose ee ku jirta gacanta maamulka Xarakada Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah ayaa xalay waxay weerar fashilmey kusoo qaadeen magaalada Jannaale oo kamid ah magaalooyinka gobolka Shabeellaha hoose ee ku jirta gacanta maamulka Xarakada Al-Shabaab.


Waxaa si adag uga hortagay ciidamada soo duulay dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyadoona laga hor istaagay iney gaaraan hadafkii ay doonayeen ee ah iney laayaan dad muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

Markii ay magaalada afaafkeeda hore kula kulmeen dagaal adag, ayaa diyaarado dhanka hawada ka taageerayay ciidamada soo duulay waxay duqeyn ku garaaceen qaar kamid ah xaafadaha magaalada Jannaale, balse ma geysan wax khasaare nafeed ah.



Burbur xoogan oo gaaray dhismayaal iyo guryo ay degnaayeen dad shacab ah ayaa ka dhashey duqeynta ay geysteen diyaaradaha Maraykanka.

Dhinac kale, ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida waxaa goobihii lagu dagaallamay kaga carareen qalab ciidan, taas oo muujineysa xaaladda adag ee soo wajahday.

Sawir qaadayaal katirsan Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa u kuurgalay raadadkii ay geysteen duqeymahaas, waxayna kasoo qaadeen sawirro dhowr ah.

Xigasho: Idaacadda Alfurqaan.





















Related Items