Dowladda Sacuudiga oo Tony Balair Lacag Laaluush ah ku siiyay taageeridda Bin Salmaan.

Tuesday February 12, 2019 - 10:36:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga oo Tony Balair Lacag Laaluush ah ku siiyay taageeridda Bin Salmaan.

    Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay maamulka dabadhilifka Aala sacuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sacuudiga loo yaqaan, warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dowladda sacuudiga ay la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay maamulka dabadhilifka Aala sacuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sacuudiga loo yaqaan, warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dowladda sacuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas'uul sare oo katirsanaa dowladda Ingiriiska.


Warbixinta ayaa xaqiijisay in dowladda aala sacuud ay lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Kirishtanka Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Max'med Bin salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada aala sacuud.

Wargeyska ayaa sheegay in shirkadda baaritaannada iyo suuq geynta sacuudiga ay toban milyan oo doollar udirtay machadka tooni ballayr uu madaxda ka yahay oo lagu magacaabo "isbedelka caalamiga ah", mas'uul u hadlay xafiiska Tooni Ballayr ayaa xaqiijiyay in lacagtaas ay ka heleen dowladda sacuudiga balse wuxuu diiday in ay aheyd mid laaluush ah wuxuuna ku tilmaamay qarash uu sacuudigu ku taageerayay mashruuca machadkiisu ka wado mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe.



Dowladda sacuudiga ayaa caan ku ah in lacago Malaayiin dollar ah ay kula saaxiibto Ururo iyo dowlado saliibiyiin ah halka gaajo ay udhimanayaan malaayiin qof muslimiin ah oo hantidooda ay xoog ku boobtay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items