Saraakiil Katirsan Ciidamada Booliska iyo Melleteriga Oo Muqdisho lagu dilay.

Tuesday February 12, 2019 - 19:14:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Katirsan Ciidamada Booliska iyo Melleteriga Oo Muqdisho lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay qaar katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay qaar katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii xaafadda Kaawa Godeey ee degmada Wardajir ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka, sarkaalka ladilay oo magaciisa lagusoo gaabiyay Abshir Muxiyidiin ayay raggii dilay rasaasta kala heleen qeybaha sare ee jirdkiisa.

Dhinaca kale qarax saaka ka dhacay xaafadda Saybiyoono ee degmada Hodon ayaa sababay dhimashada sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka.


Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax ka dhacay gudaha gaarigii uu talay sarkaal lagu magacaabi jiray Xasan dheere uu sababay in uu isla goobta ku geeriyoodo, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items