Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo si qota dheer uga hadlay Qorshaha Cusub ee AMISOM ku dhawaaqday.

Saturday February 16, 2019 - 22:36:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Abuu Muscab oo si qota dheer uga hadlay Qorshaha Cusub ee AMISOM ku dhawaaqday.

    Sheekh Cabdi Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadlay qorshaha isbedelka ee uu ku dhawaaqay taliska ciidanka AMISOM Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdi Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadlay qorshaha isbedelka ee uu ku dhawaaqay taliska ciidanka AMISOM Soomaaliya.


Abuu Muscab wuxuu sheegay in ku dhawaaqidda isbedelka dagaalka AMISOM uu yahay mid ay ku qarinayaan jabkooda "tallaabada kasoo gaalada waa mid ay ku qarinayaan Jabkooda" ayuu yiri Abuu Muscab.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarada dhabagalka ah ee dagaalyahanadoodu u dhigaan kolonyada ciidamada AMISOM ay sababtay in ay xaalad go'doon ah galaan ayna gabeen sii wadidda duullaankooda.

Afhayeenka ciidamada Al Shabaab wuxuu carrab dhabay dhowr magaalo oo ay go'doon ku yihiin kumanaan katirsan ciidamada Uganda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM waxaana magaalooyinkaas kamid ah Baraawe,Qansaxdheere,Buula Mareer iyo deegaanka Maryan gubaay



Halkan ka degso wareysi uu bixiyay Sheekh Abuu Muscab ama hoos ka dhageyso


Related Items