Dowladda Federaalka Oo Ka Jawaabtay Eedeynta uga timid Kenya.

Sunday February 17, 2019 - 20:34:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Ka Jawaabtay Eedeynta uga timid Kenya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga jawaabay go'aankii shalay ay gaartay dowladda Kenya oo xiriirka loogu jaray dowladda Fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga jawaabay go'aankii shalay ay gaartay dowladda Kenya oo xiriirka loogu jaray dowladda Fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.


Warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Federaalka ayaa lagu beeniyay eedeynta dowladda Kenya ee ah in xukuumadda Kheyre suuq geysay badda Kenya ayna shirkado shidaalka sahmiyo kula heshiisay in ay shidaal ka baaraan dhulka Kenya.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Federaalka oo ka koobnaa laba bog ayaa lagu cambaareeyay tallaabadii ay dowladda Kenya ku cayrisay Maxamuud Nuur Tarsan oo ah safiirka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Jawaab celinta ay bixisay dowladda Federaalka ayaa ah mid aad udabacsan marka loo eego lahjadda kulul ee dowladda Kenya cilaaqaadka ugu jartay dowladda Farmaajo iyo safiirka ay cayrisay.


Related Items