Daawo Video: Madaxweynaha Masar Oo Dowladaha Yurub Ugu Baaqay in ay Xiraan Masaajidda Muslimiinta!

Monday February 18, 2019 - 13:52:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Madaxweynaha Masar Oo Dowladaha Yurub Ugu Baaqay in ay Xiraan Masaajidda Muslimiinta!

    Hoggaamiyaha dowladda Melleteriga Masar ayaa ugu baaqay dowladaha Yurub in ay muslimiinta ku ciriiriyaan masaajidda si looga hortago wax uu ugu yeeray xagjirnimada oo uu ula jeedo baraarugga islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Melleteriga Masar ayaa ugu baaqay dowladaha Yurub in ay muslimiinta ku ciriiriyaan masaajidda si looga hortago wax uu ugu yeeray xagjirnimada oo uu ula jeedo baraarugga islaamiga ah.

Cabdi Fataal Alsiisi oo khudbad ka jeedinayay shirka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee ka dhacay magaalada Munich dalka Jarmalka ayaa aad uweeraray muslimiinta ku cibaadeysta masaajidda oo uu ku tilmaamay kuwa caalamka ku faafinaya wax uu ugu yeeray Argagaxisada.

Alsiisi oo ah calmaani ayaa ku faanay in isagu uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee maamula dal muslim ah oo ugu baaqo reergalbeedka in ay koontaroolaan duruusta lagu dhigo masaajidda muslimiinta isagoo muujiyay naceybka uu uqabo islaamka iyo muslimiinta.


Madaxweynayaal gaala ah iyo kuwa dabadhilifyo ah oo caalamka islaamka kajira ayaa umadax raariciyay baaqa kasoo yeeray Cabdi Fataax Alsiisi halka qaar kale ay layaabeen, Nidaamka ka jira wadanka Masar ayaan qarsan isbarbar taaggiisa Yahuudda iyo Nasaarada wuxuuna caan ku yahay gummaadka dadka muslimiinta ah.

Halkan degso Kalimadda Alsiisi oo Afsoomaali ku Tarjuman ama hoos ka Daawo


Related Items