Xildhibaanno Dhaliilay Qaabka ay Xukuumadda Kheyre uga jawaabtay Eedeynta Kenya.

Monday February 18, 2019 - 13:50:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno Dhaliilay Qaabka ay Xukuumadda Kheyre uga jawaabtay Eedeynta Kenya.

    Xildhibaanno katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaleeceeyay qaabka ay xukuumadda Kheyre uga hadashay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaleeceeyay qaabka ay xukuumadda Kheyre uga hadashay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Kenya.


Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre ay si dabacsan u wajaheyso khilaafka islamarkaana ay Kenya adeegsanayso lahjado adag oo ay ku difaacanayso dalkeeda.

"Kenya si diblomaasiyad uma dhaqmin markii ay safiirkaaga soo ceyrisay maxaad adiga u bartooyameysaa, tan waxay aheyd in dowladdu si adag uga hadashoā€¯ayuu yiri Maxamuud Xaaji Cabdi.


Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Macallin Fiqi ayaa iyana sheegay in Soomaaliya aysan laheyn dowlad sal adag oo difaacda, waxaa xusid mudan in madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka ay dabadhilifyo u yihiin dowlado shisheeye ayna horay ugu wareejiyeen dhul soomaaliyeed.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items