Warbixin: Burundi Oo Ka Qeylla dhaaminaysa Qorshaha ciidamadeeda looga saarayo Soomaaliya+Socdaalka Farmaajo.

Monday February 18, 2019 - 14:15:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Burundi Oo Ka Qeylla dhaaminaysa Qorshaha ciidamadeeda looga saarayo Soomaaliya+Socdaalka Farmaajo.

    Dowladda Burundi ayaa ku guul darraysatay dadaallo ay ku doonaysay in qeyb kamida ciidamadeeda aan laga saarin dalka Soomaaliya oo ay duullaan ku joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Burundi ayaa ku guul darraysatay dadaallo ay ku doonaysay in qeyb kamida ciidamadeeda aan laga saarin dalka Soomaaliya oo ay duullaan ku joogaan.


Mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Burundi ayaa socdaallo ku kala bixiyay caasimado kuyaal qaaradda Afrika si Ururka Midowga Afrika ugu qanciyaan in aan shaqada laga rukhseyn ugu yaraan 1000 Askari Burundeys ah oo dabayaaqada bishaan la qorsheynayo in lagasoo saaro saaro gobolka Sh/dhexe ee Soomaaliya.

Safiirka dowladda Burundi uqaabilsan dowladda Itoobiya oo xubin ka ah golaha Amniga iyo Nabad gelyada Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ay guul darreysteen dhammaan dadaalladii ay ku doonayeen in aan larukhseyn kun kamid ah ciidamadooda kamidka ah dalladda AMISOM.


Ezechiel Nigibigira oo ah wasiirka arrimaha dibadda Burundi ayaa booqasho ku tagay magaalada Al Qaahira ee wadanka Masar wuxuuna kulan laqaatay Cabdi Fataax Alsiisi Madaxweynaha Masar oo ah guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee sanadkan balse wax natiija ah kamasoo bixin kulankaas.

Hoggaanka Ururka Midowga Afrika ee maamula ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya iyo Q.Midoobay oo dhanka maalgelinta qaabilsan ayaa labaduba diiday in wax laga bedelo kunka askari ee laga saarayo Sh/dhexe kuwaas oo kamid ah ciidamada Burundi.

Xukuumadda Bujumbura waxay soo jeedisay in 1000-ka askari ee Soomaaliya laga saarayo loo qeybiyo dhammaan dowladaha ciidamadoodu duullaanka ku joogaan dalka balse arrinkaas waxaa ku gacan sayray madaxda Ururka AU.

Burundi ayaa sanad walba ka hesha ciidamadeeda jooga Soomaaliya lacag dhan 18 milyan oo dollar waana qarashka ugu adag ee dowladdu dibadda ka hesho.

Dhinaca kale Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa socdaal aan horay loosii qorsheysan ku aaday wadanka Burundi, socdaalka Farmaajo ayaa salka ku haya qadiyadda ku aaddan saarista ciidamada Burundi ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu uyeeray Farmaajo si uu qeyb uga qaato cadaadiska waxa loogu yeero Beesha caalamka lagu saarayo in la joojiyo qorshaha ciidamada ka socda Bujumbura looga saarayo Sh/dhexe.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in Farmaajo uusan baajin karin bixitaanka ciidamada Burundi sababa laxiriira waxa laysku hayo oo ah maalgelinta duullaanka Soomaaliya oo ay qaati ka taaganyihiin Midowga Yurub iyo Q.Midoobe.

Shir dhawaan ay Xerada Xalane ku yeesheen taliyaasha ciidamada AMISOM ayay ku go'aamiyeen in labilaabo qorshaha bixitaanka ciidamada iyadoo la fulinayo Xeerkii Q.Midoobe ee tirsigiisu ahaa 2431(2018).

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items