Ciidamada Dowladda Oo Bilaabay in ay isku dhiibaan Al Shabaab Xilli AMISOM Dib ugurasho ku dhawaaqday.

Tuesday February 19, 2019 - 08:42:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Bilaabay in ay isku dhiibaan Al Shabaab Xilli AMISOM Dib ugurasho ku dhawaaqday.

    Qulqulka maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ee la shaqeynayay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo Itoobiya ayaa laga dareemayaa dhammaan wilaayaatka islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore askar isdhiibtay
Qulqulka maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ee la shaqeynayay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo Itoobiya ayaa laga dareemayaa dhammaan wilaayaatka islaamiga ah.


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in 10 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda ee degmada Baardheere ay isku dhiibeen maamul islaami ah oo ka dhisan gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa iska dhiibay degmada Ceel Cadde halkaas oo ay uga dhawaaqeen in ay ka towbad keeneen lashaqeynta ciidamada Xabashida Itoobiya.

Maxkamadda islaamiga degmada Ceelcadde ayaa lagusoo bandhigay Towbadkeenayaasha oo ka sheekeeyay dhibaatada heystada maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee la shaqeeya ciidamada gummeysiga.



Dhinaca kale ku dhowaad 10 askari oo katirsanaa ciidamada maamulka Hirshabelle ayaa iska dhiibay deegaanka Fiidoow ee kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Firxadka maleeshiyaadka dowladda iyo maamul goboleedyada ee kusii qulqulaya maamullada islaamiga ah ee Al Shabaab taabacsan ayaa imaanaya xilli ciidamada AMISOM ay billaabeen dib ugurasho ayna iclaamiyeen in ay wax ka bedeleen dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items