Taliyaha Ciidanka Uganda Oo ka dayriyay Xaaladda ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya.

Tuesday February 19, 2019 - 09:11:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Uganda Oo ka dayriyay Xaaladda ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya.

    Taliska ugu sarreeya ciidamada Melleteriga Uganda ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay ciidamada wadankaasi uga jiraan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ugu sarreeya ciidamada Melleteriga Uganda ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ay ciidamada wadankaasi uga jiraan dalka Soomaaliya.


Lt. Gen. Peter Elwelu oo ah taliyaha ciidamada Lugta Uganda oo booqasho indha indheyn ah ku yimid dalka Soomaaliya una kuur galaya xaaladda ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM ayaa sheegay in ciidamadiisu  ay wajahayaan khataro dhan walba ah.

Wuxuu booqday furimaha hore ee ciidamada Uganda iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin isku hor fadhiyaan ee gobolka Shabeellaha Hoose, saldhigyada uu tagay waxaa kamid ahaa Marka,Baraawe iyo Buula Mareer "Naftiina ilaaliya oo koox koox iskula shaqeeya si aad uga guuleysataan caqabadaha dagaalka idinka heysta" ayuu yiri Jeneraal Lt. Gen. Peter Elwelu.


Taliyaha ciidamada Lugta Uganda ayaa amar kusiiyay ciidamadiisa hor fadhiya Al Shabaab in ay ka taxadaraan weerarada isdaba joogga ah ee uga imaanaya Shabaabul Mujaahidiin wuxuuna muujiyay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ay saacad walba khatar weyn wajahayaan.

"Ogaada Al Shabaab marwalba weerar kedis ah ayay idinkusoo qaadi kartaa oo idinkama foga" ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyaha ciidamada lugta Uganda.

Socdaalka mas'uulkan katirsan melleteriga Uganda ayaa imaanaya xilli saraakiisha ugu sarraysa ciidamada soo duulayaasha AMISOM ay shir ku yeesheen magaalada Muqdisho kuna dhawaaqeen in ay wax ka bedeleen qaab dagaaleedka ay kula jireen Al Shabaab, sidoo kale kun askari Burundeys ah ayaa lafilayaa in ay ka baxaan Sh/dhexe.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items