Muxuu ka dhiganyahay Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ku dhaxmaraya magaalada Addis Ababa?

Wednesday February 20, 2019 - 10:53:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muxuu ka dhiganyahay Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ku dhaxmaraya magaalada Addis Ababa?

    R/wasaaraha Itoobiya ayaa wada qaban qaabada kulankii ugu horreeyay ee uu isugu keenayo hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada ah ee kajira dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha Itoobiya ayaa wada qaban qaabada kulankii ugu horreeyay ee uu isugu keenayo hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada ah ee kajira dalka Soomaaliya.



 Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Muuse Biixi hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Abiy Axmed lagu yareyn doono xiisadaha dhanka siyaasadda ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay eedeymo hawada umarinayay dowladda Federaalka oo ku aaddan in ay Itoobiya ka xigsatay islamarkaana ay go'doomin ladamacsantahay deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.



Dowladda Xabashida Itoobiya oo dusha sare ka maamusha dhammaan maamul goboleedyada kajira Soomaaliya ayaa caan ku ah shirarka ay Addis Ababa ugu qabato hoggaamiyaasha siyaasadda dalka.

Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Addis Ababa ayaa meesha ka saaraya go'aan ay horay ugaartay xukuumadda Kheyre oo ahaa in khilaafka kala dhaxeeya hoggaamiyaasha maamul goboleedyada aan dibadda lagu xallin dooni waxaana muuqata in amarka Abiy Axmed uu meesha ka saaray go'aankii hore ee kooxda Villa Somalia gaartay.

"Waa dhammaaday dhaqankii ay siyaasiyiinta Soomaalidu caadeysteen ee ahaa in marka khilaaf ka dhax dhaco looga yeeri jiray dibadda, dowladda aan madaxda ka ahay hadda kadib wixii mad madoow ah ee naga dhax dhaca waxay go'aamisay in aan dibadda loo aadin oo shisheeye na dhax dhaxaadin" sidaas waxaa yiri Farmaajo sanadii 2018.

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items