Tirada Ciidamada Burundi looga dilay dalka Soomaaliya oo si hordhac ah loosoo bandhigay [Warbixin].

Thursday February 21, 2019 - 18:45:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tirada Ciidamada Burundi looga dilay dalka Soomaaliya oo si hordhac ah loosoo bandhigay [Warbixin].

    Dowladda Burundi ayaa wali uqeylla dhaaminaysa in qaar kamida ciidamadeeda aan laga saarin dalka Soomaaliya waxayna doonaysaa in ay lacago kusii qaadato ciidamadeeda calooshood ushaqeystayaasha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydadka ciidamada Burundi oo Ceelasha Biyaha lagusoo bandhigay sanaddii 2011
Dowladda Burundi ayaa wali uqeylla dhaaminaysa in qaar kamida ciidamadeeda aan laga saarin dalka Soomaaliya waxayna doonaysaa in ay lacago kusii qaadato ciidamadeeda calooshood ushaqeystayaasha ah.



Madaxweynaha dowladda  Burundi Pierre Nukurunziza iyo hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Farmaajo ayaa si wadajir ah u dalbaday kulan degdeg ah oo looga hadlayo go’aanka uu muranku ka taagan yahay ee ku saabsan ciidamada Burundi ee la sheegay in dhamaadkan bishan laga saari doono isbaheysiga AMISOM  ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Qorshahan oo qeyb ka ah istaraatiijiyada lagu dhimayo tirada ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa sanadkan la go’aamiyay in lagu daabulo ugu yaraan kun askari oo ka soo jeeda wadanka Burundi, talaabadaas oo ay aad kaga hortimid dowladda Burundi iyadoo ka walwalsan qarashkii ay ku heli jirtay askartaas oo laga jaran doono haddii laga saaro dalka.



"waxaan isku af-garanay in aan dirno baaq wadajir ah oo ku aadan in la qabto kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya si dib u eegis loogu sameeyo go’aankan” ayuu yiri madaxweynaha  Burundi ka dib kulan ay wada qaateen madaxa DF-ka Farmaajo oo booqasho ku tagay wadanka Burundi.

Dowladda Burundi ayaa goo rhore  walaac ka muujisay askarta 1,000 ee lagu armay in ay kala baxdo Soomaaliya, iyadoo ka walwalsan in uu hoos u dhac ku yimaado qarashka ay ka qaadato waxa loogu yeero beesha caalamka ee ay ku badalatay dhiigga askarteeda.

Dhaqaalaha dowlada Burundi ay ku qaadato ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay isha ugu ballaaran ee dhaqaalaha Burundi uga yimaad dibadda, waxaana la sheegay in afartii biloodba ay Burundi ay qaadato 18 milyan oo dollar. Intaas waxaa sii dheer Mushaarka billaha ah ee ay qaataan ciidankooda oo gaareysa ilaa 1,000 dollar, taas oo 200 oo ka mid ah ay u noqoneyso dowladda.

Wargeyska lagu magacaabo New Vision ee laga leeyahay dalka Uganda oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan midowga gaalada Africa ayaa sheegay in isbaheysigu uusan dhag jalaq u siin doonin qeylo-dhaanta ka soo yeertay dowlada Burundi, islamarkaana goorhoreba la gaamiyey magacyada askarta 1,000 ee la doonayo in laga soo xulo ciidamada Burundi si loogu celiyo dalkooda inta aan la gaarin 26 bishan Febraayo ee 2019-ka.

Waziirka Arimaha dibada ee Burundi ayaa dhawaan booqasho degdeg ah ku tagay wadanka Masar halkaas oo uu kula soo kulmay madaxweynaha dalkaas Cabdil Fataax As-Sisi oo dhawaan la wareegay hogaanka midowga Africa, kaas oo uu ka dalbaday in laga laabto talaabadaas si ciidamadoodu ay u sii joogaan Soomaaliya.

Dowlada Burundi ayaa geed dheer iyo mid gaaban intaba u fuushay sidii ay loo hakin lahaa qorshahaas balse waa ay u suuragali weysay, orshahan ayaa ah mid markii horeba kasoo fulay 'Beesha caalamka' oo la doonayo in lagu khafiifiyo dhaqaalaha xad-dhaafka ah ee ku baxaya ciidamada saliibiyiinta ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.

Burundi waxaa lagu tilmaamaa dowladda labaad ee ciidanka ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana ay Mushaar iyo lacag magdhow ah ku qaadataa ugu yaraan 5,400 oo askari oo ku jira isbaheysiga kuffaarta Afrikaanta.

Wargeyska New Vision wuxuu tilmaamay in ciidamada Burundi gudaha Soomaaliya looga dilay ugu yaraan 800 illaa 1000 askari sida uu ka soo xigtay ilo wareedyo gaallo ah balse waxaa hubaal ah in shisheeyuhu aysan ka run sheegin khasaaraha ka soo gaaraya fagaarayaasha dagaalka.

Dowladda Burundi ayaa gummaad culus iyo dharbaaxooyin kulul kala kulantay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin tan iyo markii ay ciidankooda soo galeen Soomaaliya waxaana weeraradii ugu xumaa ee lagu xasuuqay ka mid ahaa dagaalkii Deyniile, weerarkii xerada Leego, iyo Kamiinkii Balcad, kuwaas oo ay ku weysay ciidamo lagu qiyaasay ku dhawaad 250 askari.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items