Al Bashiir Oo Xaalad degdeg ah kusoo rogay Wadanka Suudaan [Warbixin].

Saturday February 23, 2019 - 06:37:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Bashiir Oo Xaalad degdeg ah kusoo rogay Wadanka Suudaan [Warbixin].

    Madaxweynaha dowladda dabadhilifka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in uu xaalad degdeg ah geliyay wadanka kadib bilo ay socdeen kacdoonno shacbi oo dadku ku doonayeen in isbedel dhanka maamulka ah uu ka dhaco wadanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda dabadhilifka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in uu xaalad degdeg ah geliyay wadanka kadib bilo ay socdeen kacdoonno shacbi oo dadku ku doonayeen in isbedel dhanka maamulka ah uu ka dhaco wadanka.


Cumar Xasan Al Bashiir oo khudbad ka jeediyay Telefeshinka Afka Dowladda ku hadala ayaa sheegay in lakala diray dhammaan maamulladii gobollada iyo golihii xukuumadda islamarkaana shaqada laga joojiyay R/wasaarihii wadanka.

Ciidamada Melleteriga iyo kuwa Sirdoonka ayuu ugu baaqay in ay dhaqan geliyaan xukunka xaaladda degdegga ah oo socan doona muddo hal sana ah sida uu hadalka udhigay, dhawaqa Albashir wuxuu yimid kadib dibad baxyo ay malaayiin qof ka qeyb galeen oo shalay salaaddii Jimcaha kadib gilgilay inta badan magaalooyinka waaweyn.


Saacado kadib markii uu iclaamiyay xukunka xaaladda degdegga ah ayuu magacaabay xukuumad KMG ah oo uu sheegay in ay shaqada sii wadi doonto, wasaaradaha shaqadooda sii wadanaya ayaa kala ah Difaaca arrimaha dibadda iyo iyo cadaaladda.

Guddoomiyahaasha cusub ee gobollada Suudaan dhammaantood waa saraakiisha ciidamada Melleteriga, tallaabadan uu qaaday Al Bashiir oo talada xukun melleteri kula wareegay sanaddii 1989 ayaa wali doonaya in uu talada iska heysto shacabkana uu nolosha ku gummeysto.

Lama oga in xukunka xaaladda degdegga ah ee Suudaan looga dhawaaqay uu joojin doono kacdoonka shacbiga ah iyo inkale.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items