Sawirro: Ciidamada Taliban oo dagaal Kula Wareegay Magaalo Katirsan Wadanka Afghanistan.

Sunday February 24, 2019 - 08:53:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada Taliban oo dagaal Kula Wareegay Magaalo Katirsan Wadanka Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Jihaadiga Taliban ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmo istiraatiiji ah oo katirsan gobolka Qandahaar ee dhaca Koonfurta wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Jihaadiga Taliban ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmo istiraatiiji ah oo katirsan gobolka Qandahaar ee dhaca Koonfurta wadankaasi.


War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen degmada Macruuf kadib dagaal culus oo ay lagaleen maleeshiyaadka xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.

Saldhigyadii amniga,xarunta degmada iyo dhammaan kaabayaasha muhiimka ah ee degmada Macruuf ayaa ku dhacay gacanta Talibaan sidoo kale mujaahidiinta ayaa qabsaday saanado melleteri iyo gaadiid ay isaga carareen ciidamada dowladda Afghanistan.


Bayaanka kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in muddo laba sanadood oo xiriir ah ay hareerayn ku hayeen magaalada kadibna ay si buuxda ula wareegeen waana degmadii Afaraad ee katirsan gobolka Qandahaar oo Talibaan ay dagaal ku qabsato.

Dhinaca kale imaarada islaamiga Afghanistan ayaa mucaskar usoo xirtay boqolaal katirsan ciidamada gaarka ah ee imaarada, sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay ciidamo tababarro adag qaadanaya.







Related Items