Mid Kamida Gobollada Dalka Mareykanka oo lagu dhawaaqay in uu iib yahay Waa Maxaay Sababta? [Warbixin].

Monday February 25, 2019 - 08:34:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Gobollada Dalka Mareykanka oo lagu dhawaaqay in uu iib yahay Waa Maxaay Sababta? [Warbixin].

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in lagu dhawaaqay in uu beec yahay mid kamida gobollada wadankaasi kadib markii dhaqaale yari xooggan ay soo food saartay dowladda Mareykanka oo sheegan jirtay in ay tahay dowladda ugu awoodda bada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in lagu dhawaaqay in uu beec yahay mid kamida gobollada wadankaasi kadib markii dhaqaale yari xooggan ay soo food saartay dowladda Mareykanka oo sheegan jirtay in ay tahay dowladda ugu awoodda badan caalamka.


illaa 12 kun oo qof american ah ayaa ucodeeyay in la iibiyo gobolka Montana waxaana iibsan doonta baa layiri dowladda Canada oo kamid ah dowladaha dhaca mandiqadda Waqooyiga Qaaradda America.

Xalka kaliya ee dowladda mareykanku ay isaga khafiifin karto lacaga deymaha ah ee lagu leeyahay ayay u aragtay in uu yahay in ay iibiso wilaayada Montana si ay uhesho lacag dhan 22 tariiliyoom oo dollarka mareykanka ah.


Wargeys kasoo baxa mareykanka ayaa daabacay in dadka ucodeeyay in la iibiyo gobolkan ay kasoo jeedaan isla gobolka waxaana horay ujiray baaqyo ahaa in la iibgeeyo gobolka Alaska, xildhibaanno lagasoo doorto gobolka Montana ayaa ku biiray mashruucan lagu suuq geynayo gobolka.

Wargeyska USA Today oo soo xiganaya xildhibaanno gobolka lagasoo doorto ayaa sheegay in tani ay maslaxad unoqon doonto dowladda Canada.
Haddii gobolkan laga iibiyo Canada ayay awood dheeri ah siin doontaa xukuumadda Toronto halka fadeexad iyo dib udhac ay lakulmi doonto dowladda daalimadda Mareykanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in guddiga maamulka gobolka Montana uu diiday mashruucan lagu iibgeynayo inkastoo shacabka gobolka ay ucodeeyeen iibgeyntiisa.

Dowladda mareykanka ayaa ka sheeganaysa hoos udhac dhanka miisaaniyadda dhaqaalaha ah waxaana jira khilaaf ku aaddan ansaxinta lacagaha uu Trump doonayo in uu ku dhiso darbi kala qeybin doona Mexico iyo mareykanka.

gobolkan hadda suuqa yaal ee iibka ah wuxuu dhacaa waqooyiga fog ee wadanka mareykanka wuxuuna saaranyahay xuduudda Canada waxaa la sjeegaa in uu leeyahay silsilado buuro isisaaran ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items