Dowladda Pakistan Oo Sheegtay in ay Jawaab adag siin doonto Hindiya.

Tuesday February 26, 2019 - 19:30:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Pakistan Oo Sheegtay in ay Jawaab adag siin doonto Hindiya.

    Xiisada siyaasadeed ayaa ka dhax aloosmay wadamada Hindiya iyo Pakistan kadib markii diyaaradaha dagaalka Hindiya ay duqeyn ka geysteen gudaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada siyaasadeed ayaa ka dhax aloosmay wadamada Hindiya iyo Pakistan kadib markii diyaaradaha dagaalka Hindiya ay duqeyn ka geysteen gudaha wadankaasi.

Dowladda Pakitan waxay sheegtay in ay isugu yeertay guddiga sare ee difaaca si ay go'aan uga gaaraan jawaabta ugu haboon ee laga bixin karo duqeyntii Hindiya ay ka fulisay deegaan xuduud beenaadka dhaca.

Melleteriga Hindiya wuxuu sheegay in ay duqeyn ku burburiyeen saldhig ay jamaacada Jihaadiga Jeysh Muxamed  ku laheyd deegaanka Baalkood ee ku dhow gobolka Kashmiir.

Afhayeen u hadlay dowladda Pakistan wuxuu sheegay in jawaab adag ay ka bixin doonaan xadgudubka lagusoo sameeyay hawada wadanka, guddiga loo yeeray ayaa gacanta ku haya Hubka Niyugleerka Pakistan.


Waxa loogu yeero Q.Midoobe iyo dowladaha gobolka ayaa walaac ballaaran ka muujinaya in dagaal lagu hoobto uu ka dhax qarxo dowladahan leh hubka wax baabi'iya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items