Aqoonyahan "AMISOM Way Baxaysaa Dadka Aan Waligeen Is Heeneyno ee in la Fahmo Loo Baahan Yahay Waa Xabashida" [Dhageyso].

Tuesday February 26, 2019 - 19:53:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan "AMISOM Way Baxaysaa Dadka Aan Waligeen Is Heeneyno ee in la Fahmo Loo Baahan Yahay Waa Xabashida" [Dhageyso].

    Tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ku dhawaaqeen iney isbaddal ku sameeyeen habka duullaankooda islamarkaana sheegeen iney ku dhufo oo ka dhaqaaq isticmaalayaan ayaa waxay aqoonyahannadu ka bixinayeen fasiraado kala duwan balse kusoo uruuraya hal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ku dhawaaqeen iney isbaddal ku sameeyeen habka duullaankooda islamarkaana sheegeen iney ku dhufo oo ka dhaqaaq isticmaalayaan ayaa waxay aqoonyahannadu ka bixinayeen fasiraado kala duwan balse kusoo uruuraya hal micno oo ah iney ku jabeen dagaalka.


Aqoonyahan Cabdulqaadi Cali Yarow oo ku dhaqan qurbaha ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ku dul istaagay xaaladda ciidamada shisheeye, wuxuuna sheegay in toban sano kadib duullaanka Amisom ay bannaanka usoo baxday itaal darrididooda.

Wax yaabaha ugu adag ee karka ka keenay ayaa waxa uu ku fasiray iney yihiin dagaalada iyo jid gallada joogtada ah ee ay kala kulmaan ciidamada Al-Shabaab. Aqoonyahanku wuxuu sheegay in ciidamada shisheeye ay dakano badan ka galeen ummada Soomaaliyeed isagoo tusaale usoo qaatay xasuuqa ay kula keceen bulshada siiba kuwa Muqdisho.



Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay ineysan shaki uga jirin in askarta Amisom isaga baxayaan dalka balse cidda mar walba ay Soomaali isku harayaan ay tahay Itoobiya oo iyadu damaceedu yahay iney qabsato dalkan iyo xeebihiisa, wuxuuna uumada kula taliyay iney wacyi iyo garasho dheer u yeeshaan arrintaas kana taxadaraan.

Halkan ka degso Wareysiga ama hoos ka dhageyso


Related Items