Max'med Bukhaari Oo Markale ku guuleystay Doorashooyinkii Madaxtinimada Nigeria.

Wednesday February 27, 2019 - 07:15:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Max'med Bukhaari Oo Markale ku guuleystay Doorashooyinkii Madaxtinimada Nigeria.

    Guddiga doorashooyinka wadanka Nigeria ayaa ku dhawaaqay in latiriyay codadka dadku ka dhiibteen doorashadii madaxtinimo ee maalmo ka hor wadankaasi ka dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga doorashooyinka wadanka Nigeria ayaa ku dhawaaqay in latiriyay codadka dadku ka dhiibteen doorashadii madaxtinimo ee maalmo ka hor wadankaasi ka dhacday.


Waxaa lagu dhawaaqay in markii 2aad uu Maxamed Bukhaari uu noqday madaxweynaha wadanka Nigeria, guddiga doorashada ayaa sheegay in Bukhaari uu helay in kabadan 5 malyan oo cod wuxuuna ka adkaaday Ninka lagu magacaabo Catiiq Abuubakar madaxweyne ku xigeenkii hore ee Nigeria.

Dabaal degyo ay dhigayaan Tobanaan kun oo kamid ah taageerayaasha Max'med Bukhaari ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee wadanka Nigeria, goor sii horraysay Bashiir Axmed oo ah Afhayeenka Bukhaari ayaa si hordhac ah guushiisa ugu faafiyay bartiisa Twitter-ka.


lama oga in kooxaha mucaaradka ah ay aqbali doonaan guusha Max'med Bukhaari oo sanadadii lasoo dhaafay ka sheeganayay xanuun isagoona dhowr bilood oo noloshiisa kamid ah  ku qaatay isbitaallo dibadda kuyaal.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items