Al-Shabaab Oo Beenisay War Ka Soo Yeeray Mareykanka ah oo ah in uu Askar fara badan ku dilay Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan [Warbixin].

Wednesday February 27, 2019 - 09:11:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Beenisay War Ka Soo Yeeray Mareykanka ah oo ah in uu Askar fara badan ku dilay Duqeymo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan [Warbixin].

    Xarakada Al-Shabaab Oo Beenisay War Ka Soo Yeeray Mareykanka ah oo ah in uu Askar fara badan ku dilay duqeymo Ka dhacay Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab Oo Beenisay War Ka Soo Yeeray Mareykanka ah oo ah in uu Askar fara badan ku dilay duqeymo Ka dhacay Gobolka Hiiraan.


Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gaashaanka u daruurtay war aanan sal iyo raad lahayn oo ka soo yeeray taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo sheegayey in askar fara badan looga dilay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Hiiraan iyadoona sheegtay in sheegashooyinkaas uu Mareykanku ku doonayo in uu ku duugo duqeymaha wuxuushnimo ee uu ku hayo dadka Soomaaliyeed.

Taliska ciidamada Mareykanka todobaadkan gudahiisa sheegtay ugu yaraan lix weerar oo uu sheegay inuu ku beegsaday dagaalyahano ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.


Afar ka mid ah duqeymahaas wuxuu ka fuliyay Sh/hoose  wuxuuna sheegtay in uu ku dilay laba dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab laakiin warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa tilmaamaya in duqeymahaas aysan geysan wax khasaare ah marka laga reebo duqeyn ka dhacday magaalada Kuunyo Barroow  oo lagu beegsaday dad shacab ah taas oo ay ku dhinteen laba ruux oo kala ahaa macalin Dugsi oo laga yaqaano deegaanka iyo canug yar oo dhalanaa muddo 20 maalmood ah.

ilaa hadda lama hubo in labada argigixiso ee uu sheegtay Mareykanka uu kala jeeday canuga maalmaha dhalanaa iyo macalinka dugsi, Muuqaallo laga soo qaaday goobaha ay duqeyntu beegsatay ayaa Muujinayey in gantaalladu ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah iyo meydadka dadka shacabka ah ee la dilay.

Duqeymaha Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Labada duqeyn ee dambe, wuxuu Taliska Mareykanku sheegay in uu ka fuliyey Hiiraan, kuna beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Duqeynta hore wuxuu sheegay in uu ku dilay 35 askari oo Al-Shabaab ah tan dambena waxay tilmaameen in ay ku dileen 20 askari. Sheegashooyinkan ayaa ah kuwa waxba kama jiraan ah oo uu Mareykanku ku doonayo in uu ku muujinayo in duqeymihiisu ay waxyeelo xoogan gaarsiiyaan awoodda military ee Xarakada Al-Shabaab

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay shabakada SomaliMemo ayaa wax lagu maadeysto ku tilmaamay sheegashooyinka Mareykanka ee ku aadan duqeymaha Hiiraan, isagoona warkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn oo lagu duugayo beegsiga indha la'aanta ah ee diyaaradaha Mareykanku ku hayaan dadka shacabka ah ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeymahaas aanan wax khasaare ah lagu gaarsiin ciidankaas marka laga reebo duqeyntii dambe oo lagu beegsaday gaari Booyad ah oo ay leeyihiin ciidamada Mujaahidiinta uuna ku shahiiday kaliya darawalkii waday.

Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in ujeedka Mareykanku ka leeyahay sheegashooyinka beenta ah ay tahay sidii uu niyadda ugu dhisi lahaa dowladda Farmaajo iyo ciidamada AMISOM ee ku jabay duullaanka Soomaaliya islamarkaana uu marmarsiimo ugu sameyn lahaa duqeymaha uu shacabka ku gummaadayo ee uu ka wado dalka Soomaaliya.

Daawo Sawiro laga soo qaaday deegaanka Kuunyo Barroow ee Mareykanku sheegay in uu 2 dagaalyahan Al Shabaab ah ku dilay



















Related Items