Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo ku kulmay Wadanka Vietnam.

Thursday February 28, 2019 - 10:40:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo ku kulmay Wadanka Vietnam.

    Waxaa magaalada Hanoi ee wadanka Vietnam kusoo gaba gaboobay kulan ay markale yeesheen hoggaamiyaasha wadamada Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Hanoi ee wadanka Vietnam kusoo gaba gaboobay kulan ay markale yeesheen hoggaamiyaasha wadamada Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.


Kulanka oo ka dhacay magaalada Hanoi ayaa si fool ka fool ah u dhaxmaray Donald Trump iyo Kim Jong Un oo ah madaxweynaha dowladda shuuciyadda Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa warbaahinta u sheegay in kulanku uu ahaa mid heer sare ah balse aan lagu gaarin heshiis rasmi ah oo Cunaqabateynta looga qaadi karo dowladda Waqooyiga Kuuriya, wuxuu sheegay in hoggaamiyaha Kuuriya uu uballan qaaday in mardambe uusan sameyn doonin tijaabada Gantaallada xambaari kara hubka Niyugleerka.


"Xilligan lajoogo Waqooyiga Kuuriya lagama wada qaadi karo cunaqabateymaha saaran illaa hub ka dhigis lagu sameynayo balse kulanka aan laqaatay Kim Jong Un wuxuu ahaa mid heer sare ah" ayuu yiri Trump.

Waa markii labaad oo kulan ay yeeshaan labadaan hoggaamiye, kulankii hore ayaa ka dhacay wadanka Sengabuur balse taniijo wax ku aal ah kamasoo bixin.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items