Dhageyso: Abuu Muscab oo sheegay in ay waxyeello gaarsiiyeen Diyaarad Sahay u keentay ciidamada shisheey Hanjabaadna diray.

Thursday February 28, 2019 - 10:54:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Abuu Muscab oo sheegay in ay waxyeello gaarsiiyeen Diyaarad Sahay u keentay ciidamada shisheey Hanjabaadna diray.

    Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee 48-dii saac lasoo dhaafay la beegsadeen Shisheeyaha iyo dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdil Caziiz Abuu Muscab, Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee 48-dii saac lasoo dhaafay la beegsadeen Shisheeyaha iyo dowladda Federaalka.


Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday weeraro gobolka Gedo ku beegsaday ciidamada Kenya, iyo howlgallo ka dhacay Shabeellaha hoose, wuxuuna sheekhu xaqiijiyay inuu jiro khasaare gaaray dhinacyadii ay beegsadeen.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-Shabaab wuxuu hoosta ka xariiqey in diyaarad sahay u keentay ciidamada Uganda ee jooga Qoryoolay ay waxyeello gaarsiiyeen, isagoona ku hanjabay in mudooyinka soo socda la arki doono diyaarado ay Mujaahidiinta gubaan.

Halkan ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Sheekh Abuu Muscab

Related Items