Weerar Gaari Looga Gubay Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Duleedka Qoryooleey Ka Dhacay.

Saturday June 14, 2014 - 15:34:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Weerar Gaari Looga Gubay Ciidamada Dowladda Federaalka Oo Duleedka Qoryooleey Ka Dhacay.

    Kadib Weerar Dhabagal ah oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Weerar Dhabagal ah oo ka dhacay duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ciidanka DF-ka.
Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijinaya in weerar gaadma ah oo ay ciidamada mujaahidiintu ay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo marayay Danoow ay ku gubeen gaari Hoomeey ah oo ciidanku wateen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in mid kamida ciidamada mujaahidiinta uu gantaal garbaha laga gemo uu lahelay gaariga sidaasina uu ku gubtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal muddo kooban socday uu labada dhinac ku dhaxmaray duleedka Qoryooleey.


Degmadan ayaa bishii Maarso ee lasoo dhaafay gashay gacanta cadawga wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka la shaqeeya lakulmayeen xaalad go’doon ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items