Ciidamada Al Shabaab Oo Wali Howlgal adag ka wada dhismayaal kuteedsan Wadada Makka Al Mukarrama.

Friday March 01, 2019 - 16:59:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Wali Howlgal adag ka wada dhismayaal kuteedsan Wadada Makka Al Mukarrama.

    Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wali dagaal culus uga jira dhismayaal ku teedsan wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa wali dagaal culus uga jira dhismayaal ku teedsan wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo socda wax ka badan 21 saacadood xiriir ah ayaa sababay khasaara lixaad leh oo gaaray askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya, war goordhow kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in maanta oo kaliya ay dishay illaa 9 askari oo katirsan kuwa Bangarafaata ee Mareykanku tababaray kuwaas oo isku dayayay in ay soo afjaraan howlgalka.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in Meydadka askar farabadan ay daadsanyihiin dhismayaasha ciriiriga ah ee dagaalladu ka socdaan, xoogaga ka dagaallamaya gudaha Hoteelka ayaa iska caabiyay weeraro isdaba joog ah oo uga imaanayay ciidamo Caddaan ah iyo maleeshiyaadka dowladda.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items