Sheekh Abuu Muscab Oo Sheegay in Qaar kamid ah Dagaalyahannadii Fuliyay Weerarkii Makka Al Mukarrama iyagoo Bad qaba ay dib ulaabteen [Warbixin].

Friday March 01, 2019 - 21:24:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Abuu Muscab Oo Sheegay in Qaar kamid ah Dagaalyahannadii Fuliyay Weerarkii Makka Al Mukarrama iyagoo Bad qaba ay dib ulaabteen [Warbixin].

    Howlgalkii Inqimaasiga ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Makka Al Mukarrama ayaa soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa, Iyadoona Xarakada Al-Shabaab ay si hordhac ah kaga hadashay weerarka ay ku qaaday dhismahaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al Shabaab
Howlgalkii Inqimaasiga ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Makka Al Mukarrama ayaa soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa, Iyadoona Xarakada Al-Shabaab ay si hordhac ah kaga hadashay weerarka ay ku qaaday dhismahaasi.


Afhayeenka ciidanka  Al Shabaab  Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa,

"Hawlagalkeenii gaarka ahaa ee ka socday magaalada Muqdisho si guul ah ayuu kusoo dhamaaday, waxaa lagu beegsaday hoteel ay ku badanyihiin xubnaha ka tirsan hay'adaha kala duwan oo kooxda ridada ah. Tobanaan kamid ah ayaa halkaas lagu dilay, kuwo kalena waa lagu dhaawacay. ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.


Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa ka warramay raggii iyaga ka tirsanaa ee weerarka ka qayb qaatay.

" Afar kamid ah Mujaahidiintii hawlgalka fuliyay ayaa goobta ku shahiiday halka qaar kalena iyagoo badqaba ay soo laabteen kadib markii ay hawgalkii guulaystay  ay soo fuliyeen" ayuu hadalkiisa sii raaciyay


Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan ee weerarka uu soo gaaray maleeshiyaatka dowladda oo tan iyo xalay isku dayaye in ay soo afjaraan weerarka kuwaas oo dhowr jeer ku jabay weeraradii ay ku qaadeen dhismaha.

Madaxda DFS ayaa caawa fiidkii sheegay in ay soo gabagabeeyeen weerarkii hubeysnaa ee lagu qaaday Hotelka Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay in dib ka soo gudbin doonaan faafaahinada ku aadan khasaaraha weerarka.

Weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu dheeraa ee muddooyinkaan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa qaatay ku dhawaad muddo 24 saacadood ah, waxaana uu geystay khasaare baaxadleh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Dad badan ayaa aaminsan in weerarkan uu banaanka soo dhigay habacsanaanta amni ee heysata hay’adaha amniga ee DFS iyo in aysan weli awood dhameystiran u lahayn ka hortagga weerarada Al-Shabaab.

Related Items