Ciidamada Al Shabaab Oo Si Buuxda ula wareegay Deegaanka Faafax dhuun kadib markii ay isaga Firxadeen Ciidanka Kenya.

Saturday March 02, 2019 - 13:05:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Si Buuxda ula wareegay Deegaanka Faafax dhuun kadib markii ay isaga Firxadeen Ciidanka Kenya.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada gummeysiga Kenya ay ka baxeen deegaan istiraatiiji ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada gummeysiga Kenya ay ka baxeen deegaan istiraatiiji ah.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaanka Faafax dhuun ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay saaka aroortii horay  isaga baxeen dhammaan saldhigyadii ay deegaanka uga sugnaayeen waxayna qaadeen wadada aadda  deegaanka Girilleey ee dhaca xuduud beenaadka.

Saacad kadib ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Faafax dhuun, Al Shabaab ayaa baaritaanno ku sameeyay saldhigyadii ay faarujiyeen ciidamada Kenya.


Deegaanka Faafax dhuun oo ah mid istitaatiiji ah ayaa qiyaastii 80Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan magaalooyinka gobolka Gedo.

Ciidamada Gummeysiga Kenya ayaa deegaankan qabsaday Bishii Janaayo ee sanaddii 2012 xilligaas oo duullaanka Kenya ee Soomaaliya uu ahaa mid carcar qabay, weeraro isdaba joog ah oo xoogaga Al Shabaab ku beegsanayeen ciidanka Kenya ayaa sababay in ugu dambeyn ay isaga firxadeen deegaanka.



Bishii September ee sanaddii 2017 ayay ciidamada gummeysiga Kenya sidaan oo kale isaga baxeen deegaanka Tarako ee isla gobolka Gedo kadib markii ay ucaal waayeen weerarada isdaba joogga ah ee uga imaanaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Dib uqabsashada ciidamada Al Shabaab ee deegaannadan ayaa muhiimad gaar ah uleh wilaayada Islaamiga Gedo waxaana suurtagashay in ku dhaqanka shareecada islaamka lagusoo dabaalo dhul baaxad leh, waxaana xuriyad ku naaloonaya kumanaan kun qof oo ciidanka Kenya gummaad ku hayeen marmarka qaarna ay duqeymo ku laynayeen xoolahooda.

Ciidanka Kenya ayaa gobolka Gedo uga haray deegaanka Buusaar oo kaliya waxaana xusid mudan in horay xoog looga saaray degmada Ceel Cadde oo uu ka dhacay dagaalkii caan baxay ee looga dilay wax ka badan 200 oo askari.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items