Yaxye Sheekh Caamir "Meelaha La Og Yahay In La Beegsanaayo DF Ayaa Laga Rabay Iney Wax Ka Qabato" [Dhageyso].

Saturday March 02, 2019 - 12:56:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaxye Sheekh Caamir "Meelaha La Og Yahay In La Beegsanaayo DF Ayaa Laga Rabay Iney Wax Ka Qabato" [Dhageyso].

    Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ah aqoonyahan ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Federalka ah ku dhaliilay in aysan waxba ka qaban ammaanka xarumaha la og yahay in la beegsanayo ee ay waliba weeraradu kusoo laablaabteen sida hotelka Maka Al-muka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ah aqoonyahan ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Federalka ah ku dhaliilay in aysan waxba ka qaban ammaanka xarumaha la og yahay in la beegsanayo ee ay waliba weeraradu kusoo laablaabteen sida hotelka Maka Al-mukarrama.



Wuxuu sheegay in Dowladdu ay dagaal ku jirto laakin dhanka kale ay u muuqanayso mid aanan wax badan ka qaban karin dhinaca ay dagaalka kula jirto, Yaxye oo kaliya ma ahan siyaasiyiinta DF ku dhaliilay in ay ku fashilantay ammaanka.


Madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan iyagoo ka hadlin weerarkii dhiigga badan ku daatay ee caasimadda ka dhacay waxay canaan iyo eedeymo kala dul dhaceen siyaasiyiinta mucaaradsan fashilka dhanka amniga ah ee dalka kajira taas oo muujinaysa garaad xumada kheyre iyo Farmaajo.



Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeen hore dagaal kula wareegay dhismaha hotelka Makka Al-mukarrama iyagoo halkaas hawlgal ka waday muddo 24 saacadood ah, DF ayaa shalay si caro iyo niyad jab ku dheehan yahay uga hadashay weerarka.

Halkan Ka Degso Hadalka Yaxye Sh Caamir

Related Items