Dowladda Sacuudiga Oo Sheegtay in dhalashadii ay kala laabatay Xamza Sheekh Osama Bin Laden.

Sunday March 03, 2019 - 08:17:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo Sheegtay in dhalashadii ay kala laabatay Xamza Sheekh Osama Bin Laden.

    Dowladda Mareykanka ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegayso in lacag ay duldhigayso Xamza Sheekh Osaama Bin laden oo kamid ah mas'uuliyiinta Urur weynaha Alqaacidda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegayso in lacag ay duldhigayso Xamza Sheekh Osaama Bin laden oo kamid ah mas'uuliyiinta Urur weynaha Alqaacidda.


Wasaaradd keydka mareykanka ayaa sheegtay in Xamza uu halis ku yahay ammaanka muwaadiniinta mareykanka islamarkaana uu yahay shakhsi muhiim ah oo qeyb ka ah hoggaamiyaasha jihaadka caalamiga ah.

Washington ayaa sida caadadada u ahba waxay qofkii soo jaasuusa Xamza Bin Laden uballan qaadday lacag dhan hal milyan oo dollarka mareykanka ah, dhinaca kale dowladda Aala Sacuud ayaa sheegtay in dhalashadii ay kala noqotay Xamza oo qoyskiisu ay kasoo jeedaan dhulka xarameynka ee hadda aala sacuud ay xoogga ku heysato.


Aala Sacuud oo hoggaansamaysa amarka sayidkeeda Mareykanka ayaa iclaamisay in Sheekh Xamza ay ku dartay liiska waxa loogu yeero argagaxisada ayna kala noqotay dhalashada, Xamza ayaa tan iyo sanaddii 2015 wuxuu jeedinayay kalimado uu muslimiinta ku baraarujinayo beegsashada dowladdda mareykanka.

kalimaddiisi ugu dambeysay ayuu si aad ah ugu weeraray nidaamka dabadhilifka aala sacuud wuxuuna ugu baaqay muslimiinta dhulka jaziiradda carabta in ay ku biiraan Al Qaacidada Yemen.

Xamza Sheekh Osama oo kujira da'da sodomeeyada ayaa ka caraysiiyay  reergalbeedka  iyo dawaaqiidda waxayna ka baqayaan in uu buuxiyo  booskii aabihii Sheekh Osama Bin Laden oo dib usoo cusboonaysiiyay jihaadka mucaasarka ah ka hor intii uusan ku shahiidin magaalada otabaad ee wadanka Pakistan sanaddii 2011

Related Items