Afar Qof American ah oo ku dhintay Diyaarada Ku Burburtay Wadanka Kenya.

Monday March 04, 2019 - 09:24:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Qof American ah oo ku dhintay Diyaarada Ku Burburtay Wadanka Kenya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in dad dalxiisayaal reergalbeed ah ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in dad dalxiisayaal reergalbeed ah ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha wadankaasi.


Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay geerida ugu yaraan 4 qof American dalxiisayaal ah iyo qof Kenyaan ah dhinteen kadib markii ay diyaarad kula burburtay gobolka Turkaana gaar ahaan seerooyinka loo dalxiiska tago ee loo yaqaan National Park’s.

Dadka shilka ku dhintay waxaa kamid ah duulyihii diyaaradda khaaska ah ee William Ruto madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya haddana kamid ah saraakiisha kooxaha mucaaradka ah.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay uburburtay diyaaradda helicopte-ka ah, bishii lasoo dhaafay diyaarad ayaa sidaan oo kale ugu burburtay gudaha Kenya waxaana ku dhintay 4 qof Reergalbeed ah iyo qof Kenyaan ah.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items