Sawir: Talibaan Oo 137 Askari American ah ku dishay Wadanka Afghanistan.

Monday March 04, 2019 - 16:23:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawir: Talibaan Oo 137 Askari American ah ku dishay Wadanka Afghanistan.

    Xarakada Islaamiga Taliban ayaa soo gaba gabaysay howlgal maalmo qaatay oo dagaalyahanadeedu ay ka fuliyeen saldhig ciidamo Mareykan iyo Afghaanistaaniyiin ah ay ku lahaayeen galbeedk wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Islaamiga Taliban ayaa soo gaba gabaysay howlgal maalmo qaatay oo dagaalyahanadeedu ay ka fuliyeen saldhig ciidamo Mareykan iyo Afghaanistaaniyiin ah ay ku lahaayeen galbeedk wadankaasi.


Howlgalka oo ahaa mid ay fuliyeen dagaalyahanno Naftood hurayaal ah wuxuu jimcihii lasoo dhaafay ka bilaawday saldhigga ciidanka cirka ee Shooraab kaasi oo dhaca gobolka Helmand ee Koonfurta wadanka Afghanistan.

Dagaalyahannada weerarka fuliyay oo ahaa sagaal ayaa ku guuleystay in ay dilaan boqolaal askari oo isugu jira Mareykan iyo kuwa xukuumadda dabadhilifka Afghanistan, tira koob rasmi ah oo kasoo baxay Talibaan ayay kusoo bandhigtay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas dhiigga faraha badan ku daatay.


Dhimashada ciidamada Mareykanka ee weeraray saldhigga Shooraab ayaa lagu sheegay 137 askari iyo 260 askari oo katirsan ciidamada dowladda dabadhilifka ee fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul.

Dhaawaca ciidamada Mareykanka kasoo gaaray weerarka ayaa gaaraya 19 askari halka ciidamada xukuumadda kaabuul laga dhaawacay ay gaarayaan 73 askari, warbixinta Taliban kasoo baxday waxaa lagu xaqiijiyay in tobanaan gaadiid gaashaaman ah iyo saanado hub ah ay dagaalyahanadda istish-haadiyiinta ah ku burburiyeen weerarka.

Imaarada Islaamiga ah ayaa gacanna ku edbinaysa soo duulayaasha Mareykanka ee Afghanistan ku sugan gacanna wada xaajoodyo siyaasadeed uga jirta magaalada Dooxa ee wadanka Qadar wadahadalladaas oo ujeedka laga leeyahay ay tahay qaabka ay ciidamada Mareykanka uga bixi lahaayeen wadanka.

Hoos Ka Daawo Sawir ay ku cadyihiin tirakoobka khasaaraha ka dhashay weerarka



SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items