Sarkaal iyo Askari katirsan Dowladda Oo Lagu dilay magaalada Marka.

Monday March 04, 2019 - 13:59:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal iyo Askari katirsan Dowladda Oo Lagu dilay magaalada Marka.

    Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay qarax lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Federaalka.


Weerarkan qaraxa ah oo dhacay habeenkii xalay waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay sarkaal katirsan dowladda iyo askari kale, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada qaraxa lala eegtay.

Ciidamada dowladda oo qaraxa kadib carooday ayaa fal aargoosi ah ka geystay xaafadaha magaalada Marko, iyagoona rasaas aan loo meel dayin ku furay dadka shacabka ah.

Rasaastii ay ridayeen ciidamada dowladda waxaa dhawac uu kasoo gaaray qof shacab ah, kaas oo xabad looga dhuftay sujuudda, waxaana hadda xaaladiisa laga deyrinayaa qofkaas shacabka ah ee la dhaawacay.



Nin la dhashay qofka dhaawacan ayaa Al-Furqaan uga waramay xaaladda walaalkiis, ciidamada dowladda waxay sidoo kale xoog ku galeen qaar kamid ah xaafadaha dadka shacabka, halkaas oo ay ku qal-qal geliyeen dadka shacabka ah, xilli ay isku diyaarinayeen iney hurdaan.

Dhinaca kale xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabab ayaa deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho ku dilay mid kamida ciidamada dowladda Federaalka sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Halkan ka dhageyso Ehellada dadka ladilay oo ka hadlaya dhibaatada loo geystay MP3

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items