Dowladda Mareykanka Oo sheegtay in Qunsuliyadeeda iyo Safaaradeeda Qudus ay Mideysay.

Monday March 04, 2019 - 16:15:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo sheegtay in Qunsuliyadeeda iyo Safaaradeeda Qudus ay Mideysay.

    Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in safaaradeeda cusub ee magaalada Qudus lagu biiriyay qunsuliyaddii mareykanka ee kutiillay magaalada talaabiib arrinkaas oo ka caraysiiyay maamulka dabadhilifka ah ee uu madaxda ka yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in safaaradeeda cusub ee magaalada Qudus lagu biiriyay qunsuliyaddii mareykanka ee kutiillay magaalada talaabiib arrinkaas oo ka caraysiiyay maamulka dabadhilifka ah ee uu madaxda ka yahay maxamuud Cabaas Abuu Maazin.


Go'aanka kasoo baxay dowladda mareykanka ayaa lagu sheegay in safaaradda cusub ee laga furay magaalada qudus ay si iskumid ah ugu adeegi doonto dadka filasdiiniyiinta iyo yahudad sida hadalka loodhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in isku biiridda safaaradda iyo qunsuliyadda ay sare uqaadi doonto shaqada safaaradda.

Bishii december ee sanaddii 2017 ayuu Donald Trump Iclaamiyay in magaalada Qudus ay u aqoonsadeen caasimada yahuudda iyadoona lix bilood kadib safaaradda Mareykanka loo wareejiyay dhanka Qudus arrinkaas oo abuurtay carrada muslimiintu ay ka qaadeen halka maamulka Yahuudda uu umashxaraday walina maamulka Trump ayaa soo saaraya go'aanno siyaasadeed oo dhanka diblumaasiyadda ka xoojinaya haysashada yahuudda ee dhulalka Barakaysan.



Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda mareykanka wuxuu sheegay in tallaabadan ay qaadeen aysan waxba ka bedelayn siyaasadooda ay ku wajahayeen magaalooyinka Qudus,Gaza iyo Daanta galbeed ee wabiga Urdon wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay isku dayayaan wadahadallo ku sheegyo ay ka dhax furaan Abuu maazin iyo maamulka Yahuudda.

Magaalada Qudus oo uu kuyaal masjidka Barakaysan ee Al-aqsaa oo ah masjidka sedaxaad ee muslimiintu leeyihiin ayay yahuuddu qabsatay waqti hadda laga joogo ku dhowaad boqol sano, dagaalkii dhaxmaray dowladaha carbeed iyo yahuudda sanaddii 1967-dii ayay yahuuddu si dhameystiran uqabsatay qudus waxayna ka dhigatay caasimadeeda illaa 2017 oo uu mareykanku usharciyeeyay in ay tahay caasimadeeda waligeed

Related Items