Saldhigga Ciidamada AMISOM Ee Deegaanka Buula Mareer Oo Weerar lakulmay.

Saturday March 09, 2019 - 19:49:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidamada AMISOM Ee Deegaanka Buula Mareer Oo Weerar lakulmay.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka dhaceen kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada shisheeye iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka dhaceen kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada shisheeye iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha degmada Buula Mareer, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro ku ekeeyay saldhigyada ciidamada Uganda ee deegaanka.

Goob joogayaal ku suga Buula Mareer ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugt madaafiic iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, khamiistii lasoo dhaafay ayay aheyd markii sidaan oo kale uu weerar ula kulmay saldhigga AMISOM ee deegaanka Golweyn.


Dhinaca kale qarax miino ayaa ka dhacay goob isku imaatin ah oo ciidamada DF-ka uga sugnaayeen haka loo yaqaan Buunda Yareey ee degmada Afgooye balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items