Lafta Gareen oo xilka qaadis Ku sameeyay Guddoomiyihii Sh/Hoose mid kalane magacaabay.

Saturday March 09, 2019 - 20:12:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lafta Gareen oo xilka qaadis Ku sameeyay Guddoomiyihii Sh/Hoose mid kalane magacaabay.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa shaqada ka eryay guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose isagoona magacaabay guddoomiye cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa shaqada ka eryay guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose isagoona magacaabay guddoomiye cusub.


Wareegto kasoo baxday Cabdi Caziiz Laftar Gareen ayuu ku sheegay in uu xilka uga xayuubiyay Ninka lagu magacaabo Maxamed Ibrahim Barre oo sanadadii lasoo dhaafay ku magacaawnaa guddoomiyaha Sh/hoose.

Lafta Gareen ayaa Ibrahim Adan Najax u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka, ninkan ayaa markale dib loogusoo celiyay guddoomiyaha gobolka isagoo horay ubedelay Siidii.


Inta badan dhulka gobolka Shabeellaha Hoose waxaa gacanta ku haya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo degmooyinka iyo deegaannada ka hir gelisay maamullo islaami ah marka laga reebo magaalooyinka laamiga ku teedsan sida Afgooye,Buula Mareer iyo Baraawe.

Maamulka Fadhiiska Sh/Hoose ayaa marwalba guddoomiyaal gobol iyo kuwa degmo umagacaaba Sh/Hoose marka ay fashilmaana xilalka ay hayaan ka xayuubiya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items