157 qof Oo Ku dhintay Diyaarad ku Burburtay Duleedka Magaalada Addis Ababa Ee Wadanka Itoobiya.

Sunday March 10, 2019 - 11:53:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    157 qof Oo Ku dhintay Diyaarad ku Burburtay Duleedka Magaalada Addis Ababa Ee Wadanka Itoobiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ay burburtay diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen ku dhowaad 160 qof rakaab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegay in ay burburtay diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen ku dhowaad 160 qof rakaab ah.


Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in ay burburtay diyaaradda oo nuuceedu yahay Boeing 737 waxayna  kusii jeeday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Diyaaradda ayaa laga waayay shaashadaha Raadaarka ee laga hago diyaaradaha 6 daqiiqo kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa sida ay sheegeen saraakiisha waaxda socdaalka dowladda Itoobiya.


Waxaa laxaqiijiyay in  dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa ay dhinteen  kuwaas oo kala ahaa 149 rakaab ah iyo 8 kamid ah shaqaalaha shirkadda Ethiopian Airlines.


Warar hordhac ah waxay sheegayaan in diyaaraddu ku dhacday deegaanka Beshfu oo qiyaastii 50Km  dhanka Koonfur Bari uga beegan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, illaa iyo hadda lama sheegin sababtay keentay in diyaaraddu dhulka ku dhacdo.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay heystaan jinsiyadaha 33 dowladood, sawirro lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray diyaaradda, R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu taczi udirayo dhammaan dadkii ku dhintay diyaaradda.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items