Video+Sawirro: Wadamada ay kasoo Jeedaan Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ku Burburtay Dalka Itoobiya.

Sunday March 10, 2019 - 20:41:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Video+Sawirro: Wadamada ay kasoo Jeedaan Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ku Burburtay Dalka Itoobiya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya burbur diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya burbur diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.


Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay dhinteen dhammaan dadkii rakaabka ahaa ee diyaaradda la socday, dadka dhintay ayaa kasoo jeeda illaa 33 dowladood sida lagu sheegay warbixinta.

Diyaaradda burburtay oo nuuceedu ahaa Boeing 737 MAX ayaa dhacday Lix daqiiqo kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa waxayna kusii jeedday magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Shirkadda duulimaadyada Ethiopian Airlines oo laheyd diyaaradda Burburtay ayaa soo bandhigtay wadamada ay udhasheen dadka dhintay waxayna isugu jiraan American,Yurub, Afrikaan iyo dad kale oo jinsiyado kala duwan heysta.


Halkan Ka Daawo Video muujinaya  burburka diyaaradda


 
Hoos ka akhriso dalalka ay kasoo kala jeedaan dadka dhintay

32 qof waxay kasoo jeedaan dalka Kenya ee dhaca qaaradda Afrika

18 qof waxay kasoo jeedaan dalka Canada ee dhaca waqooyiga qaaradda America

9 qof waxay kasoo jeedaan dalka Itoobiya oo ah isla wadanka ay diyaaraddu ku burburtay

8 qof waxay kasoo jeedaan dalka shiinaha ee dhaca qaaradda Aasiya
8 qof waxay kasoo jeedaan dalka taltaaniga ee dhaca qaaradda Yurub

8 qof waxay kasoo jeedaan dalka Mareykanka ee dhaca waqooyiga qaaradda America.

7 qof waxay kasoo jeedaan dalka Britain ee dhaca qaaradda Yurub

7 qof waxay kasoo jeedaan dalka Faransiiska ee dhaca qaaradda Yurub

6 qof waxay kasoo jeedaan dalka Masar ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika

5 qof waxay kasoo jeedaan dalka Holland ee dhaca qaaradda Yurub

4 waxay ahaayeen shaqaale katirsan Q.Midoobay balse lama sheegin wadamadooda

4 qof waxay kasoo jeedaan dalka Hindiya ee dhaca qaaradda Aasiya

3 qof waxay kasoo jeedaan dalka Ruushka ee dhaca qaaradda Yurub

2 qof waxay kasoo jeedaan dalka Al Maqrib ama Marocco ee dhaca waqooyiga Afrika
2 qof waxay kasoo jeedaan Maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka Filasdiin

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Biljam ee dhaca qaaradda Yurub

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Uganda ee dhaca Bariga qaaradda Yurub

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Yemen ee dhaca qaaradda Aasiya

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Suudaan ee dhaca Bariga qaaradda Afrika

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Soomaaliya ee dhaca qaaradda Afrika

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Toogo ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Musanbiiq ee dhaca qaaradda Afrika

1 qof waxay kasoo jeedaan dalka Norway ee dhaca qaaradda Yurub




Related Items