Askari Katirsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Oo Duleedka Waajid lagu dilay.

Monday March 11, 2019 - 09:54:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Katirsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Oo Duleedka Waajid lagu dilay.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad daacad u ah dowladda Xashida Itoobiya xilli ay falal burcadnimo ka geysan lahaayeen deegaan katirsan gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad daacad u ah dowladda Xashida Itoobiya xilli ay falal burcadnimo ka geysan lahaayeen deegaan katirsan gobolka Bakool.


Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu dhintay tira kalane ay dhaawacmeen kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad kasoo baxay degmada Waajid kuwaas oo doonayay in ay falal burcadnimo ka geystaan wadada xiriirisa deegaanka Buur dhuxulle iyo Waajid.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay fashiliyeen isku daygii ay maleeshiyaadka daacadda u ah ciidanka Itoobiya ku doonayeen in ay ku dhacaan hantida Shacabka, xoogaga weerarka qaaday ayaa gacanta ku dhigay hubkii uu watay askariga amxaara kalkaalka ah ee ladilay.


Ma ahan markii ugu horraysay ee maleeshiyaad Burcad ah oo katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ;agu weeraro deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items