Qaraxyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Axmed Madoobe lagula Beegsaday Deegaanno Katirsan Jubbada Hoose.

Monday March 11, 2019 - 18:05:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Axmed Madoobe lagula Beegsaday Deegaanno Katirsan Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weeraro hor leh oo sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah lala beegsaday ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka isku magacaabay Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weeraro hor leh oo sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah lala beegsaday ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Gaari nuuca Kooyalka loo yaqaan ah oo ay wateen ciidamada gummeysiga Kenya ayaa gubtay kadib markii qarax miino lagula helay wadada xiriirisa deegaannada Taabto iyo Dhoobleey oo kawada tirsan Jubbada Hoose.

Warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaariga waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamo katirsan Melleteriga Kenya oo gaariga la socday.

Dhinaca kale qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray 7 askari oo katirsan maamulka Axmed Madoobe.


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxu uu beegsaday goob isku imaatin ah oo ay Maandooriyaha Khaatka ku cunayeen ciidamada saldhigga ku leh halka loo yaqaan Baarka.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' lagula beegsaday Jubboyinka.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items