Taliyihii Ciidamada Booliska AMISOM Oo Kamid aheyd dadkii ku dhintay Diyaaraddii Ku Burburtay Itoobiya.

Monday March 11, 2019 - 18:39:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidamada Booliska AMISOM Oo Kamid aheyd dadkii ku dhintay Diyaaraddii Ku Burburtay Itoobiya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu xaqiijiyay in mid kamida saraakiisha ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ay ku dhimatay shilki diyaaradeed ee shalay ka dhacay wadanka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristine Alola waxay hoggaaminaysay Booliska AMISOM
War rasmi ah oo kasoo baxay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu xaqiijiyay in mid kamida saraakiisha ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ay ku dhimatay shilki diyaaradeed ee shalay ka dhacay wadanka Itoobiya.


Simom Mulongo oo ah Ku xigeenka Erygayga Midowga Afrika ee Soomaaliya waxuu  warbaahinta u xaqiijiyay in dadkii ku dhintay shilkii shalay ay kamid aheyd haweenay lagu magacaabo Cristine Alola oo aheyd taliyaha Booliska AMISOM horayna usoo noqotay kusimaha taliyaha Booliska Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.

Cristine Alola ayaa diyaaradda burburtay ka raacday magaalada Addis Ababa waxayna kusii jeedday magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya, sarkaaladdan halaagsantay ayaa kasoo jeedda wadanka Uganda ee qeybta ka ah dowladaha kusoo duulay dalka Soomaaliya.


Burburkii diyaaradda Boeing 737 MAX ee ku dhacday duleedka magaalada Addis ayaa musiibo ku noqotay waxa loogu yeero Q.Midoobay waxaana uga dhintay saraakiil sarsare iyo howlwadeenno ka howlgelayay wadamo dhaca bariga Afrika sida Koonfurta Suudaan, Soomaaliya iyo Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items