Farmaajo Oo Shaqa Ka Eryid ugu Hanjabay Taliyaasha Ciidamada Haddii ay wax ka qaban waayaan Amniga Muqdisho.

Monday March 11, 2019 - 19:13:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Shaqa Ka Eryid ugu Hanjabay Taliyaasha Ciidamada Haddii ay wax ka qaban waayaan Amniga Muqdisho.

    Khilaaf xooggan oo ka dhashay weerarada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee kusii kordhaya magaalada Muqdisho ayaa ka dhax dilaacay madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf xooggan oo ka dhashay weerarada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee kusii kordhaya magaalada Muqdisho ayaa ka dhax dilaacay madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka Soomaaliya.


Kulan xalay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku dhaxmaray Farmaajo iyo taliyayaasha ugu sarreeya ciidamada dowladda ayaa kusoo dhammaaday canaan iyo hanjabaad uu Farmaajo ujeediyay afarta sarkaal ee hoggaamiya ciidamada dowladda.

Warbaahinta taageerta dowladda ayaa baahisay in Farmaajo uu aad udhaliilay taliyaasha Booliska,Melleteriga iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo uu dusha uga tuuray xaalad amni darro ee ka jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


"Fadlan dadkii iyo hantidooda waa isku dhamaadeen, maxaa idinka qaldan? Yaa idinku dheggan? hadii aadnan waxba ka qaban Karin amniga fadlan ka hor wareega Shacabka”, ayuu Farmaajo ku canaantay saraakiishii iyo mas'uuliyiintii uu lakulmay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ugu hanjabay saraakiisha ciidamada in uu xilka ka qaadi doono haddii ay ka hortagi waayaan weerarada  xoogagga Shabaabul Mujaahidiin ay ka geysanayaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

"Uma dulqaadan karo waxa socda, macquul maahan, hadii ay caqabad jirto maxaa idinka hortaagan in aad soo gudbisaan, "Taliyihii iyo Guddoomiyihii degmadiisa wax ka dhacaan ee qaban waayo, waa fasax yuusan isku ceebeynin dadweynaha haka tago, wax idinka dhiman maleh Ciidamada waan idin kordhinay shaqayso ama baneey booska” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo.

Arrintan ka yaabisay Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa ah in weerarada Al Shabaab ay si aan horay loo arag ugusii fidayaan xayndaabka dowladda xilli Kumanaan askari oo hor leh lagu biiriyay ciidamada Booliska Gobolka Banaadir islamarkaana sare loo qaaday qarashka ku baxa dhammaan askarta dowladda.

Weeraradii ugu dambeeyay ee Al Shabaab ay ka fulisay wadada Makka Al Mukarrama ee xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa fadeexad dhanka amniga ah ku noqday Farmaajo iyo Kheyre oo dacfi dhan walba ah u horseeday dowladda Federaalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items