Faah Faahin: Maleeshiyaad Katirsan Dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal ka dhacay Sh/dhexe.

Tuesday March 12, 2019 - 08:22:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Maleeshiyaad Katirsan Dowladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal ka dhacay Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaan katirsan Bariga gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan dowladda oo lagu dilay Ruun Nirgood
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaan katirsan Bariga gobolka Shabeelaha dhexe.


Wararka ka imaanaya deegaanka Towfiiq Ex.Masaajid Cali Guduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay saqdii dhexe ku dhaxmaray maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka iyo ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe.

Goob joogayaal ku sugan degmada Towfiiq ayaa shabakadda SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in iska hor'imaad xooggan uu afaafka hore ee magaalada ku dhaxmaray maleeshiyaadka dowladda iyo ciidamada Al Shabaab.


Ciidamo watay 5 gaari oo nuuca dagaalka ah ayaa isku dayay in ay si gaadma ah ku galaan magaalada Masaajid Cali Guduud balse waxay iska hor imaad xooggan kala kulmeen ciidamada Al Shabaab oo sida muuqata ka war qabay duullaankooda.

"Xalay saqdii dhexe abaara sideed saac iyo bar ayuu dagaal xooggan ka dhacay afaafka hore ee degmada Towfiiq kadib markii ay maleeshiyaad katirsan Dowladda isku dayeen in ay magaalada soo galaan balse kuma guuleysan oo waxay lakulmeen weerar" ayuu yiri mid kamida dadka deegaanka.

Warar hordhac ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ayaa sheegaya in 2 askari laga dilay ciidamada dowladda halka 5 kale ay dhaawacyo soo gaareen, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in haba yaraatee waxa khasaara ah uusan ciidamada Al Shabaab kasoo gaarin dagaalkii xalay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda ay dib ugu laabteen degmada Cadale iyo deegaanka Xaaji Cali oo ah halka ay weerarka kasoo qaadeen, weerarkan ayaa imaanaya xilli Odawaa oo ah Abaanduulaha ciidanka DF-ka uu maalmihii lasoo dhaafay abaabullo ciidan ka waday deegaannada dhaca xeebta Sh/dhexe .

Related Items