Sawirro: Jabkii Mareykanka Ku Gaaray Dagaalkii Daarusalaam iyo Dhibkii Ay Dadka Shacabka ah ugeysteen.

Tuesday March 12, 2019 - 21:27:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Jabkii Mareykanka Ku Gaaray Dagaalkii Daarusalaam iyo Dhibkii Ay Dadka Shacabka ah ugeysteen.

    Ciidamada Mareykanka oo ay wehlinayaan askarta Soomaalida calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo yaqaano (Bankaraf) ayaa habeenkii xalay duullaan gaadmo ah ku qaaday degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mareykanka oo ay wehlinayaan askarta Soomaalida calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo yaqaano (Bankaraf) ayaa habeenkii xalay duullaan gaadmo ah ku qaaday degaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.



Xoogagga Al-Shabaab oo u muuqday kuwa la socda dhaq dhaqaaqooda ayaa dagaallo adag kala hor tagay taas oo keentay in ay jabaan shisheeyaha iyo kuwii la socday.

Askarta Mareykanka ayaa ku sigtay in la qabto iyagoo nool ama meydadkooda gacanta lagu dhigo kadib markii laga dilay sarkaalkii hogaaminayay ciidanka iyo dhowr kale oo maleeshiyaadka Bangaraaftu kamid yihiin  waxaana ay si dirqi ah ku qaateen meydad iyo dhaawacyo.

Inta la hubo Mareykanka waxaa dagaalka looga dilay sarkaalkii hor joogaha u ahaa ciidanka iyadoo laga dhaawacay labo kale. Kuwii Soomaalida ahaa ee la socdayna waxaa laga dilay lix, halka 3 kale laga dhaawacay.



Mareykanka ayaa war kooban oo uu maanta soo saaray ku beeniyay khasaarahaas balse hal sawir ka wax sheeg badan kun eray e’ waxay sawirrada aad daawan doonto kuu muujinayaa in uu jab culus gaaray Mareykanka, waxaa la arkayaa labiskii sarkaalka oo isagoo dhiig leh ay ka carareen iyo dhammaan qalabkiisii.

Sidoo kale waxaa la arkayaa agabyo millatari oo ay kamid yihiin Bambaanooyin, rasaas iyo wax yaabo kale oo ay ka carareen waxaana intaas dheer agabyo caafimaad iyo lacago dollar ah oo dhammaantood ay uga carareen goobta dagaalka.

Mareykanka ayaa markii uu khasaaraha la kulmay wuxuu  duqeeyay xaafadaha magaalada isagoo burburiyay goobo ganacsi iyo guryo ay qoyas degganaayeen waxaana inta la hubo ku naf waayay wiil yar oo sadax sano jir ah iyadoo gabar 13 jir ah iyo wiil 20 jir ah ay ku dhaawacmeen.






















Related Items