Mareykanka Oo Mamnuucay isticmaalka Diyaaradaha Boeing 737 Max 8.

Thursday March 14, 2019 - 08:43:08 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Mamnuucay isticmaalka Diyaaradaha Boeing 737 Max 8.

    Inta badan dowladaha reergalbeedka iyo kuwa qaaradda Asia ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen isticmaalka qaar kamid ah diyaaradaha ay soo saarto shirkadda diyaaradaha Boeing ee caanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan dowladaha reergalbeedka iyo kuwa qaaradda Asia ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen isticmaalka qaar kamid ah diyaaradaha ay soo saarto shirkadda diyaaradaha Boeing ee caanka ah.

Wareegto kasoo baxday Donald Trump oo ah madaxweynaha dowladda Mareykanka ayaa lagu mamnuucay isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 Max 8 iyo Boeing 737 Max 9 maalmo kadib markii ay dalka Itoobiya ku burburtay diyaarad ay ku dhinteen 157 qof oo ubadan reergalbeed.

Donald Trump wuxuu sheegay in tallaabadan uu qaaday si loo hubiyo badqabka shacabka American-ka ee sida aadka ah u isticmaala diyaaradaha.

in kabadan 70 dowladood ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen isticmaalka diyaaradaha nuucaan ah, mas'uul u hadlay shirkadda Boeing ayaa ku adkeystay in ay hubaan badqabka diyaaradaha 737 Max 8 balse ay ka war sugayaan natiijada kasoo baxda baaritaannada lagu hayo sanduuqa madoow ee diyaaraddii dhowaan ku burburtay dalka Itoobiya.

Related Items