Trump Oo Dhimis ku sameeyay Lacagihii Mareykanku uu siin jiray dowladda Kenya.

Thursday March 14, 2019 - 11:03:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Dhimis ku sameeyay Lacagihii Mareykanku uu siin jiray dowladda Kenya.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhintay lacagihii ay siin jirtay dowladda Kenya oo kamid ah dowladda qaaradda Afrika ee ku tiirsan kaalmada Maaliyadeed ee Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhintay lacagihii ay siin jirtay dowladda Kenya oo kamid ah dowladda qaaradda Afrika ee ku tiirsan kaalmada Maaliyadeed ee Mareykanka.



Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa go'aamiyay in uu yareeyo lacagta ay dowladdiisu sanad walba siiso Kenya waxaana larumeysanyahay in xukuumadda Nairobi ay u dhutin doonto tallaabadan uu Mareykanku qaaday.

Lacagta Mareykanka uu siin jiray Kenya oo gaaraysay 102 Milyan oo dollar ayaa hadda lagusoo koobayaa 43.5 Milyan oo dollar lacagtaas ayuu golaha Koongareesku  ansixiyay sanaddii 2018



Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Trump uu go'aankaan qaatay ayna qeyb ka tahay dhimis weyn oo lagu sameynayo  qarashka Mareykanku ku bixiyo  dowladaha qaaradda Afrika.

Dowladda Kenya ayaa si weyn ugu tiirsan kaalmada dibadda waxayna Kenya wajaheysaa hoos udhac dhaqaale oo weyn kamid markii weerarada Al Shabaab ay cuuryaamiyeen dhaqaalihii ay ka heli jirtay dalxiiska.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items