Shakhsiyaad Katirsan Dowladda Imaaraatka Carabta Oo U gefay Kitaabka صحيح البخاري

Thursday March 14, 2019 - 11:26:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Shakhsiyaad Katirsan Dowladda Imaaraatka Carabta Oo U gefay Kitaabka صحيح البخاري

    Maalinba maalinta ka dambeysa dowladda imaaraatka carabta ayaa ku dhaqaaqaysa falal ka dhan ah shareecada islaamka iyo ehelkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

صحيح البخاري waa kitaabka ugu saxsan Qur'aanka Alle kadib
Maalinba maalinta ka dambeysa dowladda imaaraatka carabta ayaa ku dhaqaaqaysa falal ka dhan ah shareecada islaamka iyo ehelkeeda.



Dhawaq kale ayaa kasoo yeeray haweenay faasiqad ah oo katirsan dowladda imaaraatka carabta taas oo kitaabka Saxiixul Bukhaari ugaftay kuna tilmaamtay mid dib udhacsan.

Haweenaydan oo madax ka ah markazka faafiya calmaamiyadda ee lagu maagcaabo Rawaaq Cowsha Bintu Xuseen ayaa sheegtay in kitaabka saxiixul bukhaari uu halis ku yahay waxa ay ugu yeertay thaqaafada caalamka oo ay ula jeedo in kitaabkaas qaaliga ah uu diidanyahay dhaqamada gaalada.


Muuzah Gabaash oo khudbad ka jeedinaysay shir ka dhacay magaalada Dubai ayaa ku tilmamatay kitaabka Saxiixul Bukhaar mid dib udhac ukeenay dadka carabta ah.

Haweenaydan Faajiradda calmaaniyadda ah ayaa hadalkan ka horjeedinaysay wasiirka iscafinta dowladda imaaraatka ninka lagu magacaabo Nayhaan Bin mubaarak Aala Nahyaan oo qudhiisu kamid ah mas'uuliyiinta UAE ee dhalan rogga ka wada mandiqadda Jaziiradda Carabta.

Maalmo ka hor mid kamida wadaada xumayaasha dowladda imaaraatka Carabta ayaa iclaamiyay in uusan rumeysnayn sunnada Nabiga SCW balse uu rumeysanyahay oo kaliya Quraanka oo kaliya ninkaas waxaa lagu magacaabaa wasiim Yuusuf asalkiisu waa Filasdiini urduni ah balse wuxuu hadda heystaa dhalashada imaaraatka dowlada ayuuna ufatwoodaa.

Dhinaca kale telefeshinka Abu Dubai ee afka dowladda ku hadla ayaa bilaabay in uu weeraro kitaabka Saxiixul Bukhaari ee culimada islaamka isku raacsantahay in uu yahay kitaabka ugu saxsan qur'aanka kadib.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items