Gaari uu lahaa Mas'uul katirsan CID-da oo ku qarxay Wadada Makka Al Mukarrama.

Thursday March 14, 2019 - 13:22:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Gaari uu lahaa Mas'uul katirsan CID-da oo ku qarxay Wadada Makka Al Mukarrama.

    Jugta qarax xooggan ayaa maanta laga maqlay hareeraha wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan ayaa maanta laga maqlay hareeraha wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qarax xooggan uu qabsaday gaari nuuca raaxada ah oo yiillay inta u dhaxaysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Taree Biyaano.

Qaraxa ayaa haleelay gaari uu lahaa madaxa qeybta baarista CID-da dowladda Federaalka Soomaaliya, lama sheegin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah meel xasaasi ah waxaana badanaa dhaq dhaqaaqyo ku sameeya askarta iyo saraakiisha dowladda, waa isbuucii labaad oo qaraxyo ay ka dhacayaan wadada Makka Al Mukarrama ee  magaalada Muqdisho.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items