Al Shabaab oo Askar Ku Dishay Duleedka Muqdisho iyo Itoobiya lagu qarxiyay gobolka Baay.

Thursday March 14, 2019 - 21:08:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Askar Ku Dishay Duleedka Muqdisho iyo Itoobiya lagu qarxiyay gobolka Baay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerar khasaara dhaliyay oo hor leh lagu qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya weerar khasaara dhaliyay oo hor leh lagu qaaday ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga dalka.



Maanta gelinkii dambe qarax xooggan ayaa haleelay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamo katirsan dowladda Itoobiya, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu ciidamada haleelay xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.


Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa larumeysanyahay in uu ka dhashay qaraxii maanta ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday gobolka Baay.


Dhinaca kale weerar hubeysan oo xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada Mqudisho ayaa sababay khasaara gaaray ciidamo katirsan dowladda Federaalka.

Maanta gelinkii dambe ayay xoogaga Al Shabaab 2 askari ku dileen deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagga weerarka geystay ay horay usii qaateen qoray AK47 oo uu watay mid kamida ciidamada ladilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items