6 Qof Muslimiin ah oo lagu dilay Toogasho Ka dhacday Masjid kuyaal New Zealand.

Friday March 15, 2019 - 06:48:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 Qof Muslimiin ah oo lagu dilay Toogasho Ka dhacday Masjid kuyaal New Zealand.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay toogasho ka dhacday masjid ay leeyihiin muslimiinta wadanka Zealand.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay toogasho ka dhacday masjid ay leeyihiin muslimiinta wadanka Zealand.

Wararka ka imaanaya  dalka New Zealand ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay dhinteen kadib markii kooxo Xagjirayaal gaala ah ay weerar hubeysan ku qaadeen Masjidka Al Nuur ee magaalada Christchurch.

Saraakiisha Booliska dowladda New Zealand ayaa warbaahinta u sheegay in ay hubaan dhimashada 6 qof iyo dhaawaca tira kale balse aysan ogeyn sababta ka dambeysa weerarkan.

Jaaliyadda Soomaaliya wadanka  New Zealand ayaa sheegtay in weerarkan uu walaac ballaaran ku beerayo uuna qeyb ka yahay falalka islaam naceybka ah ee sanadadii dambe kusii badanayay wadamada reerglabeedka.


Mahaan Ibraahiim oo kamid ah muslimiinta New Zealand ayaa sheegay in markii hore ay maqleen qarax weyn kadibna ay rasaastu ku bilaabatay muslimiinta " markii hore waxaan maqlay jugta qarax waxaan umalaynayay koronto qaraxday balse daqiiqad kadib ayay rasaas xooggan ka bilaabatay Masjidka Al Nuur" ayuu yiri qof kamid ah muslimiinta magaalada Christchurch.

Bilo ka hor ayay gaalo xagjirayaal ah waxay madaxyo doofaar ku tuureen dhowr masjid oo ay leeyihiin muslimiinta looga tirada badanyahay wadanka  New Zealand.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items